DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye wuxuu heerka ugu sarreysa ee billadgeesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.
Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.
Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhammaad.

![Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/09/aea5fe62-aa1e-495f-834a-b51e9a725325-1-1200x800-1-150x150.webp)


