Weerar khasaare geystay oo xalay ka dhacay deegaanka Janaale

0

JANAALE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay weerar loo adeegsaday bambaanooyin uu ka dhacay bar-koontarool oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin gudaha deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa sababay dhimashada labo askari iyo wiil yar oo 12 jir ah, kana mid ahaa dadka deegaanka, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo muhiim ah.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weerarka kadib sameeyey howl-gal, waxaana ay ku toogteen nin caan ka ahaan Janaale, kaas oo lagu tuhmay inuu ka dambeeyey qaraxaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka deegaanka Janaale oo ku aadan dhacdadaasi.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose ayaa weeraro culus ka fuliso gobolkaasi, gaar ahaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here