Faah faahino kasoo baxaya iska hor imaad saaka ka dhacay Muqdisho + Warbixin Muuqaal

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal saaka ka qarxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dagaalka oo u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Milatariga ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Cali Yare ayaa xaqiijiyey in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

“Waxaa jira is-rasaaseeyn muran dhul la xariirta. Kuma lug lahan wax siyaasad ah,” ayuu yiri Cali Yare.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhaawacmeen taliyaha ciidamada Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, saraakiil kale, askar iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan deggan, balse waxaa weli goobta lagu dagaalamay ku sugan ciidamada labada dhinac ee ku diriray halkaasi.

Halkan hoose ka daawo warkan oo muuqaal ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here