Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal duhurnimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana uu geystay khasaare kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in is-rasaaseynta ay timid, kadib marki ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo waday howl-gal ka dhan ah maandooriyaha iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo iyaguna ka howlgala gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaar ka mid ah askarta dhaawacantay la gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada, mana jiro weli wax hadal oo kasoo baxay Galmudug.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo ku baxay shaqaaqadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here