Faah-faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

 

Dagaalka oo xooganaa ayaa si gaar ah uga dhacay guri uu degmada Kaaraan ka dagan yahay xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada xildhibaanka iyo ciidamada ammaanka oo waday howlgal lagula dagaalamayo maandooriyaha ay isku dhaceen, kadibna uu sidaas ku qarxay dagaalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here