Faah faahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Mudug

0

Ugu yaraan labo qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay miino la kacday Gaari Caasi ah oo saaka ka amba-baxay deegaanka Qaycad, kuna sii jeeday degmada Bacaadweyne oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in miinada ay gebi ahaanba burburisay gaariga oo markaasi si xawli ah ku socday.

Sidoo kale labada qof ee geeriyootay ayaa kala ahaa Wadihii gaariga iyo nin la socday waxaana la soo warinayaa inaan cid kale la socan baabuurka uu qaraxu haleelay.

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka, balse maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda oo ay wehliyaan kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka waday koonfurta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here