Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay degmada Balcad + khasaaraha

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Balcad oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin wadada aada dhanka magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShabelle.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan hal askari oo xilligaas ku sugnaa koontaroolka la weeraray, iyada oo raggii geystay ay horey usii qaateen qoray AK47 ah oo uu watay askarigaasi.

Sidoo kale ciidamada ammaanka oo falka kadib goobta tegay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay sameeyeen howl-gallo lagu baadi goobayo dagaalyahanadii ka dambeeyey weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, wuxuuna falkan qeyb ka noqonayaa weeraro gaadmo ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka fuliyaan wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here