Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka dagaalyhanada Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Warka ayaa sheegaya in dagaalka uu billowday kadib markii dagaalyahanada Shabaab weerar xoogan oo dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Baxdo, waxaana ay iska caabin xoogan kala kulmeen dadka deegaankaasi, iyadoo mudadii uu dagaalka socdayna la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale dadka deegaanka Baxdo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaana xoogiisa ka dhacay gudaha deegaanka Baxdo, waxaana la soo warinaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, walow aanan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda iyo Galmudug oo ku aadan weerarka & dagaalka ka dhacay Baxdo.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in xoogaga Al-Shabaab dib looga saaray halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here