Faah-faahinta: Qarax iyo weerar culus oo ka dhacay degmada Kaxda

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Boolis Milataaro ku leeyihiin halkaas, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay hayeen xogta weerarka, ayna ka hortageen isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa saaka qarax miino uu ka dhacay iska degmada Kaxda, kaas oo lagu aasay goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka xalay ka dhacay degmada Kaxda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here