Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Masar + Ujeedka

0

QAAHIRA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.

 

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Sidoo kale waxa ay mudnaan siin doonaan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Safarkan wuxuu kusoo aadayaa, ayadoo haatan aysi weyn isku hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku khilaafay heshiiska badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here