Faahfaahin ku saabsan dagaal ka dhacay gudaha magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor-imaad khasaare geystay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

 

Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadka uu dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan Booliska Puntland iyo gabar yar ayaa sida la xaqiijiyay ku dhaawacmay iska hor-imaadkaas.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa ku soo badanaya magaalada Garoowe iyo deegaanada kale ee maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here