Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada ku qaabilay ganacsato Turki ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat oo maalgashi ku sameynaya dalkeenna.

 

Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso, waxa uuna tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here