Faahfaahin ku saabsan duqeyn culus oo ka dhacday degmada Jamaame

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war waxa ay war ka soo saartay duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan lagu beegsaday goob uu shir uga socday xubno ka tirsan Shabaab oo 14 KM u jirta Jamaame.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan oo ay wax ka fuliyeen saaxibada caalamiga ah khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Halkan hoose ka aqriso:-

Caawa Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay  howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalka iyo Khasaaraha cadowga gaaray.

Waxii Faah Faahin ah ee kasoo kordha Dib ayaan idinkalasoo wadaagi Doonnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here