SSC-Khaatuma oo markale digniin culus u dirtay xukuumadda Somaliland

0

LAASCAANOOD (SMN) – Afhayeenka SSC-Khaatumo, Feysal Falaalug oo warbaahinta la hadlay ayaa markale digniin culus u diray Somaliland oo ay weli isku hayaan gacan ku heynta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Falaalug ayaa shaaca ka qaaday in wax wadahadal ah aysan la gelin doonin Somaliland, illaa inta ay ciidamadeeda ka saareyso aagga dagaalka ee magaalada Laascaanood.

Waxa uu tilmaamay haddii ay Somaliland ka dhaga fureysato dalabkooda in ay sii wadi doonaan dagaalka, ayna raadsan doonaan xuquuqdooda, sida uu hadalla u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xalka uu ku jiro in Somaliland ay isaga baxdo dhulka SSC, maadaama muddo dhowr bilood ah ay kula dagaalamayaan xarunta gobolka Sool.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay loogu baaqay Somaliland in milatariga ay ka saarto magaalada Laascaanood, si loo qaboojiyo xiisada ka taagan magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here