Faahfaahin ku saabsan hoobiyeyaal ku dhacay Dharkenley + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyeyaal ah saaka ku dhacay qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kuwaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac.

 

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay laba guri oo isku dhow oo ku yaalla xaafadda Dabaqiinka ee degmadaasi, waxaana mid kamid ah deganaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu magacaabo Maxamed Keerow Maxamed oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in goobta uu ku geeriyooday  laba wiil oo kamid ah carruurta xildhibaanka,

Sidoo kale hoobiyaha ayaa waxyeelo gaarsiiye qoys kale oo dagan guri ku dhagan midka xildhibaanka, waxaana halkaas ku dhintay gabar kale, sida ay ku warrantay haweeney kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan hoobiyeyaashaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal lagu garaacay xaafadda Taraabuushka ee degmada Wadajir, kuwaas oo ay khasaare kasoo gaareen dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here