Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

 

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla halkaasi.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howlgallo bilaabay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa xasilinta caasimada ee ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here