Madaxweynaha Soomaaliya oo ku laabtay magaalada Dhuusamareeb + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halgaas oo uu ka sii amba qaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

 

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tegay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Ujeedka ayaa ah inuu mar kale Dhuusamareeb kasii hoggaamiyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, si looga saaro gobollada dhexe.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here