Muxuu Faysal Cali Waraabe ka yiri aqoonsiga ay DF siisay SSC-Khaatumo?

0

HARGEYSA (SMN) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warfidiyeenka ayaa ka falceliyay tallaabadii ay qaaday dowladda federaalka, kadib aqoonsiga ay siisay maamulla KMG ah ew SSC-Khaatumo.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa farriin usoO diray dowladda dhexe, isaga oo ugu baaqay inay ka laabato aqoonsiga SSC oo haatan dagaal adag kula jirta Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii ay arrinta sii socota inay qaadi doonaan dagaal, isaga oo sheegay in Laascaanood ay kamid tahay Somaliland, lagana xukumi doonin Muqdisho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada o khamiistii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ay aqoomsatay maamulka Ssc-Khaatumo,kadib markii Muqdisho lagu casuumay hogaamiyaha KMG ah ee maamulkaasi, Cabduqaadir Firdhiyay oo la kulmay madaxda sare ee dalka.

Si kastaba, tallaabadan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana dhanka kale carro xoogan ka muujisay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here