Faahfaahin ku saabsan qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax caawa ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

Qarax oo ahaa mid gaari lagu soo xiray ayaa ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ee waddada Maka Al-Mukarama, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ku dhintay qofkii watay gaariga, kaas oo ku gubtay baabuurka oo uu dab ka kacay, kadib markii uu qarxay.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen oo ah goob mashquul badan.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan Muqdisho ay daganeyd, kadib markii la xoojiyay ciidamada ku sugan caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here