Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay degmada Xamarweyne + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax duhurnimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo ku qarxay afaafka hore goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla gudaha degmadaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in wax khasaare ah uusan geysan qaraxa, marka laga reebo burburka gaariga qarxay.

“Maanta 17/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agagaarka Muqdisho Mall. Muwaadinkii wuu nabad qabaa, ma jiraan wax khasaare ah oo kale marka laga reebo gubashada gaarigii dab ka dhashay qarxay.” ayaa lagu yiri warka booliska.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay meesha ay wax ka dhaceen.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan howlgallo amni xaqiijin ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here