Faahfaahino ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo saaka ka dhacay deegaanka Daarunimca oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin deegaankaas oo hoostaga degmada Ruunirgood ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Xoogga dalka iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkan waxa ay shaacisay inay la wareegtay Daarunimca, sidoo kalena ay cagta marisay saldhigyadii ku yaallay deegaankaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here