Ciidamada Xoogga dalka oo ATMIS kala wareegay saldhig ku yaalla gobolka Gedo

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa maanta howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigga Gerileey ee degmada Ceelwaaq gobolka Gedo.

 

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale horay ula wareegay saldhigyadii ATMIS ee degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho.

Xilwareejinta mas’uuliyadda amniga oo udhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa qorshaha wajiga koowaad yahay in hawlgalka ATMIS uu dalka ka saaro 2000 oo askari dhammaadka bishan Juun 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here