Faahfaahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya jugta qarax xoogan oo laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo si gaar ah uga dhacay guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in la dhigay darbiga guri ku yaalla degmadaasi, kaas oo markii dambe la qarxiyay, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in hoyga la qarxiyay uu deganaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, balse waxaa lasoo wariyay in uusan joogin xilliga uu dhacayay qaraxa.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro u badan qaraxyo miino oo siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here