Ciidamada ATMIS oo madaafiic ku garaacay duleedka degmada Bardaale

0

BARDAALE (SMN) – Ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa  Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka madaafiic xoogan ku garaaceen duleedka bari ee degmada Bardaale oo ka tirsan gobolka Baay.

 

Wararka ayaa sheegaya in illaa 4 madfac laga maqlay bannaanka magaalada, kuwaas oo lala bartilmaameedsaday deegaano ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi oo sidoo kale argagax ku abuuray bulshada ku dhaqan halkaasi.

Weerarkan ayaa daba socday madaafiic ay dhankooda xalay Al-Shabaab ku garaaceen saldhig ay dagan yihiin ciidamada Itoobiya ee ka howlgalka degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS ayaa inta badan la kulma weeraro kaga yimaada dhanka Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jira qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Xaaladda ayaa haatan waxa ay tahay mid deggan, waxaana agagaarka Bardaale howlgallo ka wada ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here