MUQDISHO – Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa caafimaad degdeg ah Alle uga baryay Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ahna Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kaas oo dhaawac kasoo gaaray weerar duqeyn ah oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn (Drone).
Farmaajo ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday hoyga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ee degmada Doolow uu yahay fal bahalnimo ah, isla markaana uu dhaawac ku yahay dowlad-dhiska dalka iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in ay tahay dhacdo ugub ah in beegsi noocan ah loo adeegsado siyaasiyiinta aragtida ka duwan dowladda, isagoo tilmaamay in tallaabadaasi ay dalka dib ugu celin karto kala irdhowgii siyaasadeed ee dhaawacay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed uu u baahan yahay in lagu xalliyo wadahadal iyo dib-u-heshiisiin, isagoo carrabka ku adkeeyay in xalkeedu uusan ku imaan karin waxa uu ku tilmaamay “khaarajin siyaasadeed” (Political Assassination). Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah oo madax-bannaan lagu sameeyo weerarka lagu bartilmaameedsaday Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.





