
Asmara – Guddoomiyaha Golaha Sare ee Ku-meel-gaarka ah ee Suudaan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa magaalada Asmara kulan albaabbadu u xiran yihiin kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka amniga ee labada dal.
Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara ku soo dhaweeyay Jeneraal Al-Burhan iyo wafdigiisa markii ay magaalada gaareen. Booqashada ayaa lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay wadatashiyada joogtada ah ee u dhexeeya Suudaan iyo Eritrea.
Wadahadallada ka dhacay Madaxtooyada Eritrea ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga gobolka iyo dagaalka sokeeye ee Suudaan, kaas oo billowday bishii Abriil 2023-kii, kaddib markii uu dagaal dhex maray Ciidanka Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF).
Eritrea ayaa tan iyo bilowgii dagaalka noqotay mid ka mid ah dalalka gobolka ee sida dhow ula safan dowladda iyo ciidamada Suudaan. Kulanka Al-Burhan iyo Afwerki ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xumaanayaan xiriirka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya, taas oo walaac ka dhalisay saameynta ay xiisadaha labada dal ku yeelan karaan xasilloonida Geeska Afrika.
Warbixinno sirdoon oo madax-bannaan iyo ilo diblomaasiyadeed ayaa dhawaan sheegay in dhulka Itoobiya, gaar ahaan xarumo ciidan oo firfircoon, loo adeegsaday saldhigyo lagu taageero Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF), iyadoo la siinayo sahay iyo tababar si ay u qaadaan weerarro ka dhan ah jiidda bari ee Suudaan.
Eedeymahan ayaa imanaya xilli dagaalka Suudaan uu galay sannadkii afaraad, iyadoo loollanka u dhexeeya dhinacyada dagaallamaya uu sii saameynayo amniga iyo xasilloonida dalalka ku yaalla Geeska Afrika.



