Farmaajo oo ka horyimid qorshe uu wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0

DOOXA (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda.

 

Farmaajo ayaa ka horyimid qorshaha uu wado madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan in laga guuro nidaamka dowladnimada ee hadda lagu dhaqmo, si uu  dalka u yeesho madaxweyne iyo ku xigeen.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray baarlamaanka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay ka digtoonaadaaan abaabulka socda oo uu sheegay inuu keeni karo xasilooni darro siyaasadeed iyo hubanti la’aan.

Halkan hoose ka akhriso:-

Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.

Wa billaahi Al-towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here