Farmaajo oo soo dhaweeyay aqbalaadda Museveni ee martiqaadka booqashada Muqdisho

0

MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ee martiqaadka uu ku imaanayo magaalada Muqdisho.

 

Farmaajo oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrintan ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wada-hadal loo dhan yahay oo dhab ah, kaas oo ku saleysan Dastuurka dalka iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee ka dhanka ahaa muddo-kordhintii Madaxweynaha.

“Waxaan soo dhaweynayaa aqbalaadda Madaxweyne Yoweri Museveni ee martiqaadka booqashada Muqdisho. Dalkeenna wuxuu u baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay oo dhab ah, kaas oo si adag ugu saleysan Dastuurka iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee ka dhanka ahaa muddo-kordhintii Madaxweynaha ee aan dastuuriga ahayn,” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay dalka ka taagan yihiin doodo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dastuurka iyo khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.

Booqashada la filayo inuu Madaxweyne Museveni ku yimaado Muqdisho ayaa noqon karta fursad ay madaxda dowladda iyo dhinacyada siyaasadda kaga wada hadlaan xaaladda dalka, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin ajandaha iyo waqtiga rasmiga ah ee booqashada.May be an image of the Oval Office and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here