Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo booqasho ku tegay dalka Uganda

0
ENTEBBE – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka Uganda.
Soo dhaweynta Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb qaatay Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Uganda Sarreeye Gaas Muge iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Asluubta ee wadankaas.
Safarka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa daaran, xoojinta iskaashiga labada hay’adood ee dhinaca Asluubta. waxayna sidoo kale qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo wadashaqeynta, is-dhaafsiga khibradaha ah iyo tayeynta adeegyada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here