MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday ee UK, kaddib markii uu galabta ka qaybgalay munaasabadda xuska dhalashada Boqor Charles III oo ay martigelisay Safaaradda UK ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray Boqor Charles III, isaga oo sheegay in Soomaaliya iyo UK ay leeyihiin xiriir iskaashi oo xooggan, kaas oo dhinacyo badan taabanaya, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo is-dhexgalka bulshooyinka labada dal, si loo ballaariyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyey dadaallada iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay doorka ay ka qaadato dadaallada lagu xaqiijinayo horumarka dalka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in iskaashiga labada dal uu ku dhisan yahay is-aaminaad, ixtiraam iyo himilooyin wadaag ah oo dan u ah labada dhinac. Danjiraha Boqortooyada Midowday ee UK u qaabilsan Soomaaliya, Charles Nicholas King, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha aqbalaadda martiqaadka iyo ka soo qaybgalka munaasabadda.
Danjiraha ayaa sheegay in dowladda UK ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo xiriirka labada dal ku tilmaamay mid ballaaran oo aan ku koobnayn oo keliya dhinaca diblomaasiyadda, balse sidoo kale ku fidsan iskaashi bulsho iyo dhinacyo kala duwan.




