Ganacsato Soomaali ah oo lagu dalka Koonfur Afrika

0

Muwaadiniin Soomaali ah oo gaarayo ilaa afar ruux ayaa burcad hubeysan si yaabo kala duwan ugu dileen tuulooyin hoos yimaado Magaalada CapeTown ee dalka Koofur Afrika.
Saddax ka mid ah marxuumiinta ayaa lagu dilay tuulada Khaliija oo hoos tagto Magaalada Capetown halka labo kale lagu dilay tuulada Kraafotien oo ayana hoos tagto isla Magaalada Capetown sidoo kale waxaa jiro dhaawac soo gaaray labo muwaadin oo kale.

Cabdqani Abuukar Omar oo la dhashay mid ka mid ah wiilasha la dilay ayaa Radio muqdisho u sheegay in koox burcad ah ay rasaas ku fureen dukaankooda xilli ay ku jireen shaqadooda caadiga ah isla markaana walaalkiis uu ku dhintay asagana uu ka badbaaday.

Cabdiqani Abuukar ayaa intaasi ku daray in kooxaha burcada ah ay weerar qorsheysan kusoo qaadeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali iyo isugu jira ajaanib kale.

Kooxda falka geystay ayaa la sheegay in ay ka careysanaayeen mid ka mid ah oo ay dileen koox kale oo burcad ah oo ay isku heysteen lacago baad ah.

Xariiriro kale duwan oo aan la sameynay magaalada Cape Town Ayaan ku ogaanay in ay jiraan Soomaali badan oo ku dhaawacantahay weerarada qorsheysan ee lagu ugaarsanayay ganacsatada Ajaanibta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here