Gobolka Banaadir oo howlo biyo saaris ah ka sameeyay waddooyinka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo soo  celinta Bilicda Muqdisho Mudane Maxamed Suudi ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay dadaal xoogan ugu jirto maareynta iyo xal u helidda saameeynta biyaha roobabka ee xiray waddooyin kamid ah Muqdisho.

 

Agaasimaha Guud ayaa xusay in lagu guuleystay biyo dhaamin iyo nadaafad laga sameeyay warta Nambar afar,afisiyooni wadada 21-ka 0ka oktoobar iyo Iskool Boliisiya ,wuxuuna intaa raaciyay in ay socdaan habeynta iyo nadaafadda wadada u dhaxeysa dabka iyo bakaaraha.

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo soo  celinta Bilicda waxa uu u mahadcelin shirkadaha leh gaadiidka booyadaha oo ka qeybqaatay nadaafadda iyo biyo saarista waddooyinka Muqdisho.

Maamulka Gobolka ayaa dadka ka codsaday in gacan laga geysto nadaafadda muqdisho,waxaana lagula taliyay dadka in ka fogaadaan ama ka guuraan goobaha biyo fariisiga leh

Maamulka Gobolka Banaadir,gaar ahaan waaxda dowladda hoose ayaa muddo 15-cisho ah ku howlan nadaafadda iyo biyo dhaaminta waddooyin ay xatireen biyaha roobabka,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la furo waddooyinka Buulo xuubeey,Daallo iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here