BELEDWEYNE — Ciidamada dadka deegaanka ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa galabta weerar qorsheysan ku qaaday dagaalyahannada Al-Shabaab oo isku uruursanayay meel u dhexeysa degmada Maxaas iyo deegaanka Wabxo.
Weerarkan oo si xeeladeysan loo fuliyay ayaa lagu jabiyay kooxda, iyadoo lagu gaarsiiyay khasaare culus.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in ciidamada deegaanka ay heleen xog sirdoon ah oo muujinaysay in Al-Shabaab ay isku aruursanayeen si ay u fuliyaan weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka.
Kadib xogtaas, ciidamada ayaa qaaday tallaabo degdeg ah oo lagu fashilinayo qorshahooda.
“Ciidamadeennu waxay cadowga ku weerareen si geesinimo leh, waxaana goobtii dagaalka lagu jabiyay Al-Shabaab. Meydadkooda ayaa daadsan goobihii dagaalka, kuwa firxadayna si aan kala har lahayn ayaan u daba joognaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka oo aan magaciisa loo shaacin sababo amni dartood.
Wararkii u dambeeyay ee laga helay deegaanka ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan degan tahay, waxaana ciidamada deegaanka ay wadaan baaritaanno iyo sifeyn ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya agagaarka halkaasi.
Howlgalka ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada wali gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab, iyadoo bulshada deegaanka ay door muuqda ka ciyaarayaan difaaca naftooda, hantidooda, iyo dalkooda.



