Golaha Amaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya xadgudubka Itoobiya

0

NEW YORK (SMN) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta yeelan doona kulan albaabada u xiran oo looga hadlayo xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska Badda uu Abiy Axmed la galay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi 1-dii bishan.

 

Faransiiska ayaa soo qabanqaabiyay kulankaas oo ka jawaabayay codsigii Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyay heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland. Soomaaliya waxay ku doodaysaa in heshiiska “uu ka dhigan yahay xad gudub sharci darro ah” oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in heshiiska lagu saleeyay “saldhig ganacsi iyo shuruudo la isku raacsan yahay oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.” Waxay door bidaysaa in #AU ay arrinka maamusho halkii ay UNSC ka qaban lahayd. Ergeyga QM ee Geeska Afrika ayaa warbixin siin doona xubnaha golaha.

Toddobaadkii hore, xisbiga talada haya ee Itoobiya ayaa go’aansaday inuu daba galo “fulinta saxda ah” ee heshiiska isagoo fiiro gaar ah u leh “mabaadi’da wax-siinta iyo qaadashada si loo helo ikhtiyaarro dheeraad ah si ay ula xiriiraan dekedda dalalka kale ee deriska ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here