Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo UN-ka Kala Shaqeeyay Hindisaha Xoojinta Dhaqaale Nabadeed

0

Muqdisho – Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC), oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyagoo wada-tashi kala yeeshay Hindisaha Xoojinta Dhaqaale Nabadeed, oo ku saleysan Hiigsiga Qarni-jirka 2060 (CV2060) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

 

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa kulanka ku soo bandhigay natiijooyinka muhiimka ah ee sahan laga qaaday bulshada iyo daraasad uu Goluhu sameeyay. George Conway, oo ah Isku-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay, ayaa bogaadiyay horumarka Soomaaliya ee dhinaca nabadda iyo koboca dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee cusub ee nabaddu abuurayso.

Hindisaha oo ku saleysan cilmi-baaris dhaqaale ayaa si qoto dheer loogu eegi doonaa qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka, si loo dardargeliyo koboca iyo isbeddelka dhaqaale ee Soomaaliya.

May be an image of newsroom and text that says "Caver EROLA T NITED NITEDN N Shunle"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here