Muqdisho – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Wakiilka, Marwo Jing Song.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UNHCR, gaar ahaan qorsheynta, isku-duwidda, kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada UNHCR, si ay ula jaanqaadaan mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP). Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca xogta iyo caddaymaha, si loo taageero qorsheynta iyo go’aan-qaadashada ku saleysan xog sugan.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la horumariyo qaab iskaashi oo cusub, kaas oo qeexaya meelaha mudnaanta leh, hababka isku-duwidda iyo doorarka labada dhinac, si loo sii xoojiyo iskaashiga loona taageero hirgelinta mudnaanta qaranka.
Waxay sidoo kale ka wada hadleen kulan gaar ah oo lagu maamuusayo 75-guurada Axdiga Qaxootiga ee 1951, kaas oo la qabanayo inta uu socdo Kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA).





