Muqdisho — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa si weyn uga dooday, go’aannana ka soo saaray weerarka qaawan ee dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay ku hayso qaranimada, madax-bannaanida iyo amniga Soomaaliya.
Shirka Golaha Wasiirrada, oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah lagaga dhageystay warbixin la xiriirta heerka uu gaarsiisan yahay weerarka iyo faragelinta Imaaraatka. Waxaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Warfaafinta ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan xaaladaha amniga dalka, howl-gallada ciidanka iyo arrimaha bulshada.
Kulanka ayaa looga dooday weerarka ay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ku hayso Soomaaliya, waxaana la faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah in ay wadatashi ugu yeerto Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Imaaraatka Carabta, isla markaana Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya lagu wargeliyo inuu dalkiisa dib ugu laabto muddo 72 saacadood ah.
Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Tiirka Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, taas oo ku saabsan xaaladda waxbarashada xirfadaha iyo farsamada shaqo. Golaha ayaa loo soo bandhigay warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan Mac-hadka Farsamada ee ugu weyn dalka, kaas oo ay dhigtaan arday gaaraysa 670 qof.
Waxaa sidoo kale Golaha hor yimid Mudane Xasan Maxamed Guutaale, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo tan iyo 1991-kii ilaalinayay, kuna guuleystay inuu xafido dhismaha iskuulkaas oo loo yaqaanay Xero Jarmal. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa muwaadinkan ku tilmaamay halyeey Soomaaliyeed oo mudan in la xuso, wuxuuna ku bogaadiyay shaqada waddaninimo ee uu dalka iyo dadka u qabtay.
Ugu dambayntii, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa Golaha u soo bandhigtay warbixin la xiriirta hirgelinta hannaanka waxbaridda dadka maqalka la’, waxaana wasiirrada loo shiday muuqaal ka hadlaya habka iyo luuqadda suul-dhabbaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in ay waajib dastuuri iyo mid diimeedba tahay daryeelka iyo waxbaridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.




