Golaha Wakiillada Galmudug oo soo xiray tababar laba maalmood socday oo loo qabtay Xildhibaannada iyo hawlwadeennada

0

Dhuusamareeb – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan, ayaa soo xiray tababar socday muddo laba maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay xoojinta awoodda ee Golaha iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee Xildhibaannada iyo hawlwadeennada.

‎

‎Tababarkan oo uu bixinayo khabiir ku takhasusay arrimaha sharciga, Abuukaate Cali Sheekh Aadan Yuusuf, ayaa Intaa uu tababarku socday, ka-qaybgalayaashu waxay ka faa’iideysteen casharro iyo is-dhaafsi aqooneed oo la xiriiray nidaamka shaqo, wada-shaqeynta hay’adeed iyo hababka kor loogu qaadi karo wax-ku-oolnimada gudashada waajibaadka loo igmaday.

‎Guddoomiyaha Golaha oo munaasabadda soo xiray ayaa tilmaamay in awoodda iyo waxtarka goluhu ay si dhow ugu xiran yihiin tayada, kartida iyo diyaar-garowga Xildhibaannada iyo hawlwadeennada. Waxa uu xusay in horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ay saldhig u tahay dhismaha Gole leh awood oo xooggan, nidaam shaqo oo sugan iyo waxqabad hufan.

‎Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale bogaadiyay tababar-bixiyeyaasha iyo dhammaan intii kaalin ka qaadatay qabsoomidda tababarka, isaga oo Xildhibaannada iyo hawlwadeennada kula dardaarmay inay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay heleen ku dabaqaan hawl-maalmeedkooda, si ay uga qayb qaataan horumarinta habsami-u-socodka iyo waxqabadka Golaha.

‎Tababarkan ayaa noqonaya kii labaad ee golaha wakiillada Galmudug loo qabto muddada uu xilka hayo Guddoonka cusub, taas oo muujinaysa sida hoggaanka cusub ay mudnaanta u siinayaan kobcinta aqoonta, tayeynta xirfadaha Xildhibaanada shaqaalaha iyo dhismaha awoodda Golaha. sidoo kale wuxuu qayb ka yahay qorshaha guddoonka ee lagu horumarinayo hufnaanta, wax-ku-oolnimada iyo tayada shaqo ee Golaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here