Guddoomiyaha SoDMA oo COP31 kaga hadlay saameynta isbeddelka cimilada iyo barakaca dadka

0

Antalya, Türkiye – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qeyb galay dood ka dhacday xarunta Urur-goboleedka IGAD ee shirka COP31, taas oo diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, barakaca dadka iyo xoojinta u adkeysiga bulshooyinka ku nool gobolka IGAD.

 

Dooddan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen IGAD, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Dowladda Talyaaniga, ayaa lagu falanqeeyay saameynta ay abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira isbeddelka cimiladu ku leeyihiin barakaca dadka iyo hab-nololeedka bulshada.

Ka qeybgalayaasha ayaa si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay la qabsiga isbeddelka cimilada, maalgelinta xalalka waara iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda bulshooyinka nugul ee la tacaalaya saameynta musiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale, doodda waxaa lagu adkeeyay baahida loo qabo horumarinta nidaamyada saadaasha iyo digniinta hore, hirgelinta tallaabooyinka ka-hortagga musiibooyinka ka hor inta aysan dhicin (Anticipatory Action), iyo adeegsiga xogta iyo falanqaynta khataraha si loo qaado tallaabooyin waqtigooda ku habboon.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, maalgelinta waarta iyo xoojinta diyaar-garowga, si loo yareeyo khataraha musiibooyinka loona badbaadiyo nolosha dadka ay saameeyaan xaaladaha degdegga ah.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda bulshooyinka Soomaaliyeed ee la tacaalaya saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan kuwa ay saameeyaan abaaraha iyo fatahaadaha, kuwaas oo sababa barakac, burburka hab-nololeedka iyo xaalado bani’aadannimo oo adag.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha SoDMA ee dooddan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah iyo raadinta xalal waara oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here