Soomaaliya oo ka Qayb Qaadanaysa Dhismaha Isbahaysi Caalami ah oo Lagula Dagaallamayo Wax-is-dabamarinta Isgaarsiinta iyo Internetka

0

Chongqing – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed H. Shire, ayaa Soomaaliya ku matalaya shir ay wufuud ka kala socota 48 dal uga wada hadlayaan heshiis lagu dhisayo isbahaysi caalami ah oo lagula dagaallamayo wax-is-dabamarinta loo adeegsado isgaarsiinta iyo internetka.

 

Shirka oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Chongqing ee dalka Shiinaha, intii u dhexeysay 27-ka iyo 29-ka Oktoobar, ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka heshiiska, saldhigga sharciyeed ee isbahaysiga iyo hababka ay dalalka ka qaybgalaya isaga kaashanayaan ka hortagga iyo la-dagaallanka falalkan.

Kulankan ayaa daba socda shirkii lagu daahfuray hindisahan oo horraantii sannadkan lagu qabtay magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha. Wadaxaajoodyada socda ayaa qayb ka ah dadaallada lagu gogol-xaarayo dhismaha rasmiga ah ee isbahaysiga caalamiga ah.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee wadaxaajoodyadan ayaa dalka siinaya fursad uu kaga qayb qaato dadaallada caalamiga ah ee lagu dejinayo qaab sharciyeed iyo hab iskaashi oo dalalku u adeegsadaan wax ka qabashada wax-is-dabamarinta ka dhacda isgaarsiinta iyo internetka.May be an image of lighting

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here