Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirweynaha caalamiga ah ee tamarta qorraxda ee Hindiya

0

New Delhi, Hindiya – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Faarax, oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qorraxda (ISA), kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

 

Shirweynahan oo ay ka qeybgaleen madax, wasiirro, mas’uuliyiin dowladeed iyo wakiillo ka kala socday in ka badan 130 waddan, waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, kaas oo khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta tamarta nadiifta ah, ilaalinta deegaanka iyo ballaarinta helitaanka tamar waarta.

Modi ayaa sheegay in loo baahan yahay in tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta iyo khibradda farsamo si caddaalad ah loo gaarsiiyo waddamada kala duwan, gaar ahaan dalalka Afrika oo wajahaya baahiyo la xiriira helitaanka tamar la isku halleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sidoo kale soo bandhigay hindise ku saabsan Sanduuqa Tamarta Qorraxda ee Afrika, kaas oo lagu qoondeeyay lacag dhan 200 milyan oo doollar, si loogu dhiirrigeliyo mashaariicda tamarta qorraxda iyo ballaarinta adeegyada tamarta nadiifta ah ee dalalka Afrika.

Dhanka kale, Narendra Modi ayaa soo bandhigay horumarka Hindiya ay ka sameysay waaxda tamarta, isagoo sheegay in awoodda koronto ee dalkaasi ka helo ilaha aan shidaalka ku dhisneyn ay gaartay 308 gigawatt, isla markaana ay hiigsanayaan in tiradaasi la gaarsiiyo 500 gigawatt marka la gaaro sannadka 2030.

Waxa uu intaas ku daray in Hindiya ay filayso maalgashi ka badan 220 bilyan oo doollar oo ku wajahan waaxda tamarta nadiifta ah dhammaadka tobankan sano, isagoo tusaale u soo qaatay barnaamijyada PM Surya Ghar iyo PM-KUSUM oo dhiirrigeliya adeegsiga tamarta qorraxda ee guryaha iyo beeraha.

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Hindiya iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha. Ka-qeybgalka Soomaaliya ee shirweynahan ayaa la xiriira dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta, soo jiidashada maalgashiga iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah ee tamarta la cusboonaysiin karo.

Soomaaliya ayaa fursad u leh inay ka faa’iideysato iskaashiga noocan ah, gaar ahaan horumarinta tamarta qorraxda, maadaama ballaarinta adeegyada korontada iyo helitaanka tamar la awoodi karo ay ka mid yihiin arrimaha muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here