Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraar lagu faahfaahinayo hannaanka dhaqan-gelinta Dastuurka dalka, kaas oo loogu talagalay in lagu mideeyo qorshaha fulinta qodobbada dastuurka, laguna xoojiyo isku-duwidda iyo wada-shaqaynta hay’adaha dowladda.
Dhaqan-gelinta Dastuurku waa geeddi-socod u baahan qorshe mideysan, isku-duwid iyo wada-shaqayn joogto ah, iyadoo qodobbada dastuurka loo fulinayo si isku xiran, lana tixgelinayo saamaynta sharciyeed, hay’adeed iyo maamul.
Qaraarkan ayaa la sheegay in looga golleeyahay in laga fogaado habqan iyo firaaq dastuuri ah, isla markaana la helo hannaan mideysan oo lagu hago qorshaha iyo fulinta qodobbada dastuurka.
Sidoo kale, waxaa la magacaabay guddi heer wasiir ah iyo guddi heer farsamo, kuwaas oo loo xilsaaray dardargelinta, isku-duwidda iyo jadwaleynta hawlaha mudnaanta leh, iyo la socodka fulintooda.
- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Guddoomiye.
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xubin.
- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xubin.
- Wasiirka Maaliyadda Xubin.
- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xubin.
- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin.
Qaraarka ayaa sidoo kale faraya dhammaan hay’adaha dowladda inay tallaabooyinka maamul ee aan ku salaysnayn fulinta qodob kale ama xeer gaar ah waafajiyaan Dastuurka.
Waxaa kale oo lagu go’aamiyay in muddo aan ka badnayn laba bilood lagu diyaariyo hindise-sharciyeedyada lagu dhisayo hay’adaha mudnaanta leh. Waxaa ugu horreeya Xeerka Nidaaminta Xukuumadda, kaas oo qeexaya tirada wasaaradaha iyo waajibaadkooda.
Dhanka kale, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo hay’adaha kale ee ay khusayso ayaa la faray inay bulshada la wadaagaan xogta ku saabsan hannaanka dhaqan-gelinta Dastuurka iyo waxyaabaha laga qabtay.
Qaraarkan ayaa dejinaya hannaan lagu hagayo isku-duwidda hawlaha la xiriira dhaqan-gelinta Dastuurka, iyadoo la xoojinayo doorka hay’adaha dowladda iyo wacyigelinta bulshada ee geeddi-socodka dastuuriga ah.





