Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka.
Kulanka oo uu sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo casriyeynta Hindise-sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka.
Dib-u-eegista hindise-sharciyeedkan ayaa ujeeddadeedu tahay in sharcigu la jaanqaado isbeddellada bulsho, dhaqaale iyo teknoolojiyadeed ee dalka ka dhacay, isla markaana uu ka jawaabo noocyada cusub ee dembiyada, gaar ahaan kuwa la xiriira teknoolojiyadda iyo nidaamyada macluumaadka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in casriyeynta Sharciga Ciqaabtu ay muhiim u tahay xoojinta caddaaladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, sugidda amniga iyo kala dambeynta bulshada.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam sharciyeed waafaqsan baahiyaha Soomaaliya ee maanta iyo mustaqbalka, si sharcigu ula jaanqaado isbeddellada dalka ka jira iyo caqabadaha cusub ee dhinaca dembiyada.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee ku aaddan dib-u-eegista iyo casriyeynta shuruucda dalka.




