Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), ayaa soo dhaweysay 162 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo celiyey dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo si ay ula midoobaan qoysaskooda, eheladooda iyo bulshadooda.
Munaasabadda soo dhaweynta dhallinyaradan waxaa ka qayb galay Ergayga Xafiiska Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, Danjire Maryan Yaasiin; Colin Anderson, Madaxa Iskaashiga Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya; Ministech Morina, Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale.
Soo celinta dhallinyaradan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan xaaladaha adag ee socdaalka, gaar ahaan dadka wajahaya khataraha amni, nololeed iyo bani’aadannimo inta ay ku jiraan safarrada tahriibka iyo socdaalka aan badbaadada lahayn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu soo badbaadinayo laguna soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka kala duwan ee dunida, iyadoo adkaysay in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay badbaado, karaamo iyo fursad uu dib ugu dhisto noloshiisa isaga oo jooga dalkiisa hooyo.
Dadaalladan ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay dowladda siinayso ilaalinta muwaadiniinteeda, iyadoo xoojinaysa iskaashiga ay la leedahay Midowga Yurub, IOM iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah si loo fududeeyo soo celin ammaan ah, loo ilaaliyo xuquuqda dadka soo laabanaya, loona taageero dib-u-dhexgalkooda bulshada.
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa door muhiim ah ka qaadanaysa soo dhaweynta iyo taageerada dadka dib ugu soo laabanaya dalka. Dhallinyaradan iyo dadka kale ee dib loo soo celiyo ayaa laga taageeri doonaa dib-u-dhiska noloshooda, iyadoo la tixgelinayo baahiyahooda gaarka ah, duruufahooda nololeed iyo fursadaha ay u baahan yihiin si ay bulshada dib ugu dhexgalaan.
Dowladdu waxay carrabka ku adkaysay in soo celinta muwaadiniintu aysan ku koobnayn oo keliya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, balse ay muhiim tahay in la helo taageero waarta oo u suurtagelisa inay dib u helaan rajadooda, xasilloonidooda iyo fursadaha ay mustaqbalkooda ku dhisan karaan.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dhammaan hay’adaha iyo saaxiibbada ka qayb qaatay soo celinta dhallinyaradan, iyadoo mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, ilaalinta karaamadooda iyo fududeynta dib ugu soo laabashadooda bulshada.




