Golaha Wasiirrada oo ansixiyay wax-ka-beddelka Xeerarka Doorashooyinka iyo Xisbiyada Siyaasadda

0

MUQDISHO – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn oo caawa ay yeesheen ku ansixiyay wax-ka-beddelka Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.

 

Wax-ka-beddelka la ansixiyay ayaa lagu sameeyay 23 qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo siddeed qodob oo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ah, iyadoo isbeddelladan lagu sheegay inay waafaqsan yihiin Dastuurka dalka.

Qodobada muhiimka ah ee la ansixiyay waxaa ka mid ah in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u soo dooran doonaan goleyaasha deegaanka, wakiillada dowlad-goboleedyada iyo xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa la qeexay in goleyaasha la soo doorto ay dooran doonaan madaxda kale ee hay’adaha dowliga ah, oo uu ku jiro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka nidaamka xisbiyada siyaasadda, waxaa la ansixiyay in urur siyaasadeedka doorashada heer federaal ka hela ugu yaraan 10% codadka uu yeelanayo aqoonsiga xisbi qaran. Sidoo kale, musharraxiinta u tartamaya kuraasta xildhibaannada ayaa lagu soo gudbin doonaa habka liiska xiran.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa kulanka ku ansixiyay heshiis dhexmaraya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo lagu dhisayo xarun uu dalka ku yeelanayo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (OHCHR).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here