Guddiga arrimaha dibadda Aqalka Sare oo kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynt

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Arrimaha Dibadda, iskaashiga Caalamiga,Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare oo gudnaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradaas Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene.

 

Kulan oo saacado badan qaatay ayaa wax looga waydiiyay mas’uuliyiinta wasaaradda Mashaariicda dalka laga fuliyo iyo sida loo qaybiyo, howlaha hay’adda tirakoobka Qaranka, dhaqan galka sharciga Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaah dibadda Aqalka Sare Senator Maryan Farah Kahiye oo kulanka Shir gudoominaysay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta uga mahad celisay sida faahfaahsan oo ay uga jawaabeen su’aalihii ay qabeen xubnaha guddiga, iyadoo ku boorisay in waajibaadkooda ay u gutaan si hufan oo xilkasnimo leh.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here