Duqa Muqdisho oo saxiixay miisaaniyada gobolka Banaadir ee 2024-ka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta saxiixay Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2024, iyo xeerka Nidaaminta Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa madasha ka sheegay in Miisaaniyadda iyo xeerka Nidaamka Maaliyadeed ee Hanaanka hufan (PFM system) uu wax weyn ka tarayo daah-furnaanta iyo isla xisaabtan dhab ah, asigoona ka codsaday Mas’uuliyiinta in ay ansixiyaan.

Mas’uuliyiinta Madashada ku sugnaa ayaa codad gaaraya 88-cod ku Ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2024 iyo xeerka Nidaamka Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana diiday 7-xubnood, halka 4-xubnood ee ku aamuseen.

Munaasabadda Ansixinta Miisaaniyadda Maamulka Gobolka Banaadir ee 2024, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaasha Guud, Agaasime waaxeedyadda, La-taliyeyaal iyo Garyaqaanka Maamulka Gobolka Banaadir.

—DHAMMAAD—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here