Guddiga uu magacaabay R/W Rooble oo loo diiday inuu tego Garbahaarey

0

GARBAHAAREY (SMN) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in guddiga qiimeynta ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in uusan imaan karin Garbahaarey.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxaa lagu sheegay inuu kasoo horjeedo guddigaas oo uu ku tilmaamay inuu dhinac ka raran yahay.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu shaaciyey in uusan guddigan qayb ka aheyn guddiyada doorashada, sidaas daradeedna uu ka hor imaanayo heshiiskii September.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here