Sawirro: Cali Guudlaawe oo la kulmay musharixiinta ku sugan Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaaxalay kulan la qaatay musharaxiinta u taagan tartarnka xildhibaanimo ee Golaha Shacabka.

Cali Guudlaawe ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada deegaanka.

Beledweyne ayaa waxaa dhawaan lagu qabanayaa doorashada qaybta labaad kuraasta taalla magaaladaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here