Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka, taas oo ka dhacday xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada, isaga oo xusay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta jiil aqoon iyo xirfad u leh hoggaaminta dalka iyo ka qeybqaadashada horumarkiisa.
Intii ay socotay munaasabadda, Madaxweynaha ayaa daah-furay Hindisaha ABUUR, oo lagu kobcinayo hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Kulliyadaha Jaamacadda, Xarunta Guddiga Caafimaadka Arrimaha Carabta iyo Xarunta Gurmadka Degdegga ah iyo Daryeelka Xaaladaha Halis ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax-dhigay dhismeyaasha Guriga Martida Jaamacadda Ummadda iyo Dhismaha Hal-abuurka iyo Cilmi-baarista, kuwaas oo ka qeybqaadanaya dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista dalka.




